Ilmahaygu dhakaake ayuu leeyahay, miyay habboon tahay in la baro in ka badan hal luqad?

main

Waxaa dabiici ah in aad doorbiddo in aad carruurtaada kula hadasho luqaddaada gaarka ah. Haddii aad ka walwal qabto in ay dhibaato keeni doonto marka aad ilmahaaga dhakaakaha leh (autistic) kula hadasho luqaddaada gaarka ah, buugyarahan ayaa adiga kugu habboon.


Waa maxay dhakaakuhu (autism)?

Waa maxay dhakaakuhu (autism)?

Dhakaakuhu waa xaalad cimri dherer ah ama nolosha oo dhan lagu jiro oo beddesha habka maskaxdu u korto ayna u shaqayso.

Maxaa keena dhakaakaha?

Khuburrada intooda ugu badan ayaa u arka in aanay jirin sabab keliya oo keenta ama dhalisa dhakaakaha, waxuuna mararka qaar ka iman karaa hiddesideyaasha. Waxuu bilaabmaa ka hor inta uusan ilmuhu dhalanin, xataa haddii ay xoogaa sano ku qaadato si loogu arko. Dhakaakuhu KAMA yimaaddo waalidnimada xun, tallaallada, caabuqyada ama jeermisyada, cuntada la cuno ama ma hadhada.

Miyuu bogsiin leeyahay?

Maya, bogsiin ma leh oo lama wada daawayn karo, oo bogsiin uma baahna. Daacad ma aha daawaynta kaste lagu sheego in ay bogsiin u tahay.

Cidma ayaa dhakaake yeelan karta?

Waxaa dhakaake yeelan kara dadka ah jinsi kaste, midab kastoo harag, dhaqan kaste, asal kaste, diin kaste.

Miyay suurogal tahay in “laga koro” dhakaakaha?

Maya, waayaha ama dhacdooyinka soo mara dadka dhakaakaha leh iyo kartiyahooda ayaa is beddeli kara inta ay nool yihiin, sida qof walba, laakiin waxay weligood yeelan doonaan dhakaakaha. Dhakaakuhu waxuu qayb muhiim ah ku leeyahay aqoonsiga dadka ama cidda ay yihiin.

Maxay samayn karaan dadka dhakaakaha leh?

Dadka dhakaakaha leh waxyaabo aad u fiican ayay samayn karaan, sida dadka aanan dhakaakaha lahayn. Waxaa laga yaabaa uun in ay waxyaabaha qaarkood si ka duwan u sameeyaan.


Miyay fiican tahay ama xun tahay in carruurta dhakaakaha leh ay maqlaan ama ku hadlaan in ka badan hal luqad?

Miyay carruurta dhakaakaha leh jahwareer gelisaa ku koridda dhowr luqadood?

Maya, taasi iyaga jahwareer ma geliso.

Miyuu labo luqadlahaanshuhu sii adkeeyaa barashada luqad kaste?

Maya, ma sii adkeeyo. Carruurta dhakaakaha leh waxay dhibaatooyin kala kulmi karaan luqadda ama hadalka, laakiin waxay haddana baran karaan dhowr luqadood. Waxay iyaga ku qaadan kartaa waqti ka yara dheer, laakiin waxay tani caadi u tahay dhammaan carruurta labo luqadlaha ah.

Maxaa dhacaya haddii ilmahaygu uusan hadlin?

Xataa ilmahaagu uusan hadlin, waxaa haddana suurogal u ah fahanka dhowr luqadood. Waxaa suurogal ah in ilmahaaga ay xataa ku adag tahay fahmidda luqadda ama hadalku, laakiin in aad ilmahaaga kula hadasho in ka badan hal luqad ma beddeli doonto heerka hadalka ama fahanka ee suurogal u ah. Waxyeello ilmahaaga ugama iman doonto marka aad dhowr luqadood kula hadasho.

Miyay habboon tahay in aan joojiyo ku hadlidda luqaddayda oo aan halkeeda isticmaalo af Ingiriisiga?

Maya, ku hadal luqadda adiga kuugu raaxo badan ama kuugu fudud. Waxaa cilmibaaris lagu muujiyey in ay tani ugu fiican tahay waalidiinta iyo carruurta.

Miyay ku koridda labo luqadood ilmahayga ku sii adkaynaysaa wax barashada iyo wax fahmidda?

Maya, ku koridda dhowr luqadood uma xuma xirfadaha fikirka iyo waxbarashada ilmahaaga.

Miyay jiraan waxyaabo ay ilmahayga dhakaakaha leh ugu fiican tahay ku koridda dhowr luqadood?

Haa, waxyaabo badan ayay ugu fiican tahay! Luqaddaada ayaa ilmahaaga ka caawin doonta la xiriiridda ama isku xiridda qoyska iyo bulshada. Waxay weliba aad ugu fiicnaan kartaa nolosha mustaqbalka. Aqoonta dhowr luqadood ayaa caawisa in dadka la fahmo, la helo hiwaayado iyo danooyin cusub, oo shaqooyin la helo.


Ku koridda dhowr luqadood uma xuma carruurta dhakaakaha leh.

Waxay xataa u fiicnaan kartaa waxyaabo badan oo nolosha ka mid ah: qayb ka ahaanta bulsho, barashada waxyaabo cusub iyo helitaanka fursado dheeraad ah.

Ku koridda dhowr luqadood waxay dadka dhakaakaha leh ugu fiican tahay sida ay ugu fiican tahay dadka kale dhammaantood.

Haddii aad doorato in aad luqaddaada gaarka ah kula hadasho ilmahaaga dhakaakaha leh, ma aha wax xun waxa aad samaynaysid.

Hal luqad ama labo, dooro xulashada ugu fiican qoyskaaga.

happy